Christian Eriksen oo la ogaaday Magaalada uu ka raadsanayo Guri cusub oo uu dago & Kooxda macquulka ah ee uu ku biiri karo

(London) 29 Juunyo 2019. Qoyska ciyaaryahan Christian Eriksen ayaa la soo warinayaa inay guri cusub ka raadinayaan Magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain.

Wararku waxa ay sheegayaan in laacibka khadka dhexe ee kooxda Tottenham Hotspur ay macquul tahay inuu ku biiro kooxda Real Madrid oo aad u doonaysa saxiixiisa.

27-sano jirkaan oo ah mid aan xiiso badan u qabin inuu sii joogo Waqooyiga London ayaa la soo sheegayaa inay Los Blancos u soo bandhigtay inuu qiimo dhimis sameeyo.

Sida ay warinayso Jariiradda The Times, Eriksen ayaa qalbiga ku haya inuu u dhaqaaqo garoonka Bernabeu, iyadoo qoyskiisuna ay ku jiraan habkii ay guri cusub oo uu iibsado uga raadin lahaayeen caasimada dalka Spain.

Xiddiga kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa kaliya ahaa laacibka khadka dhexe ee bartilmaameedka u ah Real Madrid, laakiin waxaa la rumeysan yahay inaysan dooneynin inay soo galaan tartan rasmi ah oo ay dagaal la galaan kooxda Juventus oo doonayso inay la saxiixato xiddigan reer France.

Eriksen, kaasoo 50 kulan u saftay tartammada oo dhan kooxda Spurs xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ayaa qirtay bilowgii bishaan in uu furan yahay inuu dhaqaaqo suuqa xagaagan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close