Xulka qaranka South Africa oo guul kaga gaaray Namibia kulan ka tirsan Koobka Qarammada Afrika 2019

(Qahira) 28 Juunyo 2019. Xulka South Africa ayaa guul ka gaartay Namibia kulan ka tirsan Koobka Qarammada Afrika 2019.

Kulankan waxa uu qeyb ka ahaa Guruubka D ee koobka qarammada qaaradda Afrika ee sida habsamida leh uga soconaya dalka Masar, waxaana qeybtii hore uu ku soo idlaaday barbaro goolal la’aan 0-0.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay xulka South Africa ayaa la yimid goolka qura ee ay kulanka guusha ku qaateen waxaana u dhaliyey 68’daqiiqo Bongani Zungu, kaddib caawin uu ka helay Percy Tau, ciyaarta ayaana ku soo dhammaaday 1-0 looga adkaaday Namibia.

Xulka South Africa ayaa sidaasi ku helay saddexdii dhibcood ee ugu horreysay, waxaana ay kaalinta labaad xulkii ku soo bixi lahaa kula dagaalami doonaan Ivory Coast oo ay wadaagaan min 3-dhibcood.

Morocco ayaana ah xulka kaliya ee illaa iyo hadda xaqiijiyey inay u soo baxeen wareegga 16-ka koobka qarammada qaaradda Afrika, kaddib markii ay adkaadeen labo kulan oo xiriir ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close