Xulka qaranka Morocco oo guul kaga gaaray Ivory Coast kulan ka tirsan Koobka Qarammada Afrika 2019… + SAWIRRO

(Qahira) 28 Juunyo 2019. Morocco ayaa guul ka gaaray xulka Ivory Coast kulan ka tirsan Koobka Qarammada Afrika 2019, waxaana ay u soo baxeen wareegga 16-ka tartankan kaddib markii ay hoggaanka u qabteen guruubka D.

Xulka Morocco ayaa goolka la horreysay waxaana hoggaanka u dhiibay 23’daqiiqo Youssef En-Nesyri kaddib caawin uu ka helay Nordin Amrabat, kulanka ayayna ku hoggaamiyeen 1-0.

Ivory Coast ayaa u dagaalantay inay goolkaas iska soo barbareyso laakiin ma dhicin qeybtii hore ayaana lagu kala nastay 1-0 ay ku gacan sarreeyeen xulka Morocco.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay labada xul ayaa sameeyey fursado goolal loo filan karay, balse ma dhicin inay shabaqa soo taabtay, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 1-0 looga adkaaday Ivory Coast.

Xulka Morocco ayaa hoggaanka u qabtay guruubka D iyagoo lix dhibcood leh kaddib markii ay adkaadeen labadii kulan ee ay ciyaareen, waxaana ay sidaas ku xaqiijiyeen inay iska xaadiriyeen wareegga 16-ka Koobka qaradammada Afrika 2019.

Ivory Coast ayaana dhankooda kaalinta labaad ku jira iyagoo leh saddex dhibcood, maadaama kalankii hore ay soo adkaadeen balse midkaan laga badiyey.

SAWIRRO

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close