Xulka qaranka Kenya oo si layaab leh guul kaga gaaray Tanzania kulan ka tirsan Koobka Qarammada Afrika 2019… + SAWIRRO

(Qahira) 28 Juunyo 2019. Xulka Kenya ayaa si layaab leh guul kaga gaaray 3-2 dhiggooda Tanzania kulan ka tirsan Koobka Qarammada Afrika 2019, kaasoo ka soconaya dalka Masar, taasoo ka dhigan inay gaareen guushoodii ugu horeysay ee tartankan.

Kulankan ayaa ka tirsanaa Group C ee Koobka qarammada qaaradda Afrika 2019.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 2-1 ah.

Daqiiqadii 6-aad Xulka qaranka Tanzania ayaa hogaanka u qabtay ciyaarta kaddib markii uu gool u dhaliyay ciyaaryahan Simon Msuwa, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 1-0.

Laakiin wiilasha Kenya ayaa daqiiqadii 39-aad waxay heleen goolka barbaraha Michael Olunga ayaana ciyaarta ka dhigay 1-1.

Balse ku dhawaad dhamaadka qeybtii hore ee ciyaarta gaar ahaan daqiiqadii 40-aad, markale wiilasha Xulka qaranka Tanzania ayaa waxay hogaanka u qabteen ciyaarta, kaddib markii uu ciyaaryahanka lagu magacaabo Mbwana Samata uu dheesha ka dhigay 2-1.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada xul qaran ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed si aad aad ah loo jecleystay, waxayna abuureen fursado dhowr ah ay ku dhalin gaareen goolal.

Laakiin daqiiqadii 60-aad Johanna Omolo ayaa neefta ku soo celiyay xulkiisa qaranka Kenya, wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 2-2 ah, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Ayub Masika.

Markle daqiiqadii 80-aad wiilasha xulka qaranka Kenya ayaa waxay ciyaarta ka dhigeen 3-2, waxaana goolkan dhaliyay Michael Olunga oo caawin ka helay Eric Johana Omondi.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3-2 ay si layaab leh ay guusha ku raacday wiilasha xulka qaranka Kenya, waxayna heleen saddeexdooda dhibacood ugu horeysay ee Group C maadaama kulankii ay tartankan kaga daah furteen laga adkaaday, halka Xulka qaranka Tanzania ay guuldaro la kulmeen 2-da kulan ay tartankan ka ciyaareen.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close