Xulka Argentina oo iska xaadiriyey afar dhammaadka Copa America 2019 kaddib markii ay garaaceen Venezuela… + SAWIRRO

(Brazil) 28 Juunyo 2019. Xulka Argentina ayaa guul 2-0 ka gaartay dhiggooda Venezuela, waxaana ay iska xaadiriyeen afar dhammaadka tartanka Copa America 2019.

Xulka Argentina ayaa goolka la horreeyey waxaana Venezuela uga naxsaday 10’daqiiqo bilowgii ciyaarta Lautaro Martinez, kaddib caawin uu ka helay laacibka Man City ee Sergio Aguero, kulanka ayaana lagu kala nastay 1-0 looga gacan sarreeyey xulka Venezuela.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay xulka Argentina ayaa hoggaanka sii dheereystay, waxaana 75’daqiiqo goolka labaad u dhaliyey Giovani Lo Celso, xulka Argentina ayaa kulanka ku hoggaamiyey 2-0.

Xulka Venezuela uma suuro-gelin inay xitaa kulankan dhaliyaan hal gool, ciyaarta ayaana ku soo dhammaaday 2-0 ay ku adkaadeen xulka uu hoggaamiyo Lionel Messi ee Argentina.

Argentina ayaana afar dhammaadka Copa America 2019 waxa ay la ciyaari doonaan xulka sanadkan marti-gelinaya tartanka ee Brazil oo xalay rigooreyaal kaga soo gudbay Paraguay.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close