Alisson Becker oo farriin muhiim ah u diray saaxiibadiis xulka Brazil, kaddib guushii ay ka gaareen Paraguay

(Brazil) 28 Juunyo 2019. Goolhayaha reer Brazil ee Alisson Becker ayaa farriin muhiim ah u diray saaxiibadiis xulka Samba, kaddib markii ay u soo baxeen wareega afar dhamaadka ee Copa America 2019.

Martigaliyaasha Copa America 2019 ee Brazil ayaa gudbay wareega afar dhamaadka ee tartankan, kaddib markii ay xulka qaranka Paraguay kaga adkaadeen rigoorayaal 4-3 ah kulankoodii wareega siddeeda.

Hadaba Alisson Becker ayaa kaddib markii ay u soo baxeen wareega afar dhamaadka ee Copa America 2019 wuxuu fariin la wadaagay saaxiibadiis xulka Brazil wuxuuna yiri:

“Saaxiibadey waxay qabteen qeybtooda, taasoo ahayd doorka ugu muhiimsan”.

“Waxaan ahayn kuwa si buuxda isugu kalsoon, kooxdu waxay u qalantay inay badiso maanta, natiijada ciyaarta waxay ku soo dhamaatay barbaro, lakiin hal koox ayaa dooneysay inay ciyaarto”.

“Haatan waa inaan sii wadnaa inaan shaqeyno, sababtoo ah waxaan qaadnay tallaabo, waxaana heysanaa mid kale ee ina hortaagan, si aan u gaarno hadafkeena muhiimka ah waa inaan noqono geesiyaal”.

Waxaa xusid mudan in Brazil ay suurtogal noqon karto in kulan SuperClásico ah ay la ciyaaraan Argentina jimcaha kale ee soo aadan, waa hadii xulka Tango uu hogaaminayo Lionel Messi ay caawa kasoo gudbaan Venezuela.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close