Xulka qaranka Algeria oo guul ka gaaray Senegal kulan ka tirsan Koobka Qarammada Afrika 2019… + SAWIRRO

(Qahira) 27 Juunyo 2019. Xulka Algeria ayaa guul muhiim ah ka gaaray dhiggooda Senegal kulan ka tirsan Koobka Qarammada Afrika 2019, kaasoo ka soconaya dalka Masar.

Kulankan ayaa ka tirsanaa Group C ee Koobka qarammada qaaradda Afrika 2019.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada xul qaran ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed si aad aad ah loo jecleystay, waxayna abuureen fursado dhowr ah ay ku dhalin gaareen goolal.

Laakiin daqiiqadii 49-aad Mohamed Youcef Belaili ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa qaranka Algeria, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Sofiane Feghouli.

Xulka qaranka Algeria oo ugu dambeyntii guul ku gaaray 1-0 ayaa wuxuu xaqiijiyay inuu u gudubay wareega xiga ee 16-ka, kaddib markii ay soo adkaadeen 2-dii kulan ee ay soo ciyaareen waxayna heleen 6 dhibcood, halka Senegal oo laga badiyay ciyaartan ay ku fadhiyaan kaalinya labaad 3 dhibcood.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close