RASMI: Barcelona oo ku dhawaaqday inay dhmeystirtay heshiiska ciyaaryahan cusub

(Spain) 27 June 2019. Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay heshiis rasmi ah la gaartay goolhaayaha reer Brazil ee Murara Neto, kaasoo kag soo dhaqaaqay naadiga Valencia.

Kooxda Barcelona ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhameystirtay heshiiska goolhaayaha reer Brazil ee Murara Neto, kaasoo kaga soo dhaqaaqay naadiga Valencia.

Heshiiska uu Murara Neto ugu biiray kooxda Barcelona ayaa wuxuu qeyb ka yahay heshiiska uu goolhaayaheedii Jasper Cillessen ugu dhaqaaqay dhinaca Valencia.

Goolhaayahan cusub ayaa u soo dhaqaaqay garoonka Nou Cump si uu badal ugu noqdo shabaq ilaaliyaha haatan ee kooxda Barcelona Marc-Andre ter Stegen.

Kooxda Barcelona ayaa bayaan ay soo dhigtay website-keeda rasmiga ah ku xaqiijisay heshiiska goolhaayaha reer Brazil ee Murara Neto waxayna tiri:

Norberto Murara Neto

“Kooxaha Barcelona iyo Valencia waxay heshiis ka gaareen ciyaaryahan Norberto Murara Neto”.

“Heshiiska ayaa ku kacaya 26 milyan oo Euro oo gadaal kaga darsami doonto 9 milyan oo Euro ee ah lacagaha la xiriira gunooyinka, ciyaaryahanka wuxuu kooxda u saxiixi doonaa heshiis afarta xili ciyaareed ee soo aadan, wuxuuna ku egyahay xili ciyaareedka 2022/23, waxaana heshiiskiisa lagu burburin doonaa 200 milyan oo euro”.

“Faaahfaahinta heshiiska Goolhayahan reer Brazil iyo soo bandhigistiisa isagoo ah xiddig Barca ah ayaa sida ugu gaaban ee ugu macquulsan loo soo gudbin doonaa”.

29  jirkan ayaa u saftay kooxda Valencia 80 kulan inta lagu gudi jiray labadii sano uu kooxdaas ku sugnaa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close