Lionel Messi oo dib ugu laabanaya garoonkii shan sano ka hor looga qaaday koobka Adduunka – Sababtu maxey tahay?

(Brazil) 27 June 2019. Shan sano ayaa laga joogaa markii xulkii Jarmalka ay 1-0 ku dileen dhigooda Argentina kana qaateen koobkii Adduunka ee markaas lagu qabtay Brazil, garoonka Maracana ayeyna ciyaartaas ka dhacday taasoo xusuus weyn u leh kabtanka Argentina Lionel Messi.

Tan iyo markaas Argentina waxey tiigsadeen laba jeer final-ka tartanka Copa America 2015 iyo 2016, balse waji gabax ayey kala kulmeen Chile oo labadaas jeerba ku guuleystay, sidoo kalana waxey cawaaqib xumo la kulmeen koobkii Adduunka 2018.

Inkastoo uu xulkiisa la gaaray 3 final muddo saddex sano xiriir ah, hadana bandhigga uu qarankiisa ku muujiyo mar walba shaki ayaa la galiyaa maadaama uu wali raadinayo inuu hal koob kula guuleysto.

Si kastaba Messi iyo saaxiibadiisa waxey Maracana Stadium kula ciyaari doonaan xulka Venezuela kulan ka tirsan quarter final-ka Copa America, waxeyna doonayaan guul weyn iney gaaraan iyadoo la xasusto iney bishii Maarso ee sanadkaan 3-1 ku dileen kulan ka dhacay Wanda Metrapolitano.

Argentina waxey u baahan yahiin guul ay gaaraan si ay ugu gudbaan wareega semi final-ka oo ay kula kulmi doonaan midkii soo adkaada Paraguay iyo Brazil.

Kulankii ugu dambeeyay 2-0 ayey ku dileen Qatar.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close