Goorma ayay kooxda PSG ku dhawaaqaysaa saxiixyada Ander Herrera iyo Pablo Sarabia?

(Paris) 27 Juunyo 2019. Kooxda kubadda cagta PSG ee ka dhisan caasimadda Waddanka Faransiiska ayaa la soo warinayaa inay ku dhawaaqayso goordhow saxiixyada Ander Herrera iyo Pablo Sarabia.

Wargeyska caanka ah ee l’Equipe ayaa warinaya in kooxda Paris Saint-Germain ay qarka u saaran tahay inay ku dhawaaqdo saxiixyada labada ciyaaryahan ee Ander Herrera iyo Pablo Sarabia.

Heshiisyadooda ayaa gabo-gabo ah, labadaan ciyaaryahan ayaa la soo bandhigi doonaa isbuuca soo socda, gaar ahaan maalinta Isniinta ah sida warbixinta lagu sheegay iyagoo ah labo ciyaaryahan oo ay leedahay kooxda PSG.

Herrera ayaa beeca xorta ah kaga soo dhaqaaqay kooxda Manchester United, halka xiddiga khadka dhexe ee wax weerara oo ka tirsan xulka qaranka Sarabia ay kala soo wareegayaan Naadiga Sevilla.

Pablo Sarabia ayay PSG kooxda reer Spain ee Sevilla kaga soo qaadanaysaa adduun dhan 18 milyan oo euro oo u dhiganta 16.1 milyan oo gini ama 20.5 milyan oo doolar.

Kooxda PSG ayaa qorsheysatay sida la leeyahay inay labadaan ciyaaryahan oo bandhigto bilowga bisha July ee soo aaddan gaar ahaan Maalinta Isniinta ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close