Dani Alves oo naftiisa u bandhigay kooxda Manchester City & jawaab deg-deg ah uu ka helay

(Egland) 27 Juunyo 2019. Daafaca garabka midig ee reer Brazil Dani Alves ayaa u soo bandhigay adeegiisa kooxda Manchester City si uu ugu dhaqaaqo inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga ee xagaaga.

Dani Alves ayaa ku dhawaaqay xili hore ee bishaan ah inuusan sii wadi doonin u ciyaarista Paris St Germain xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo ay jiraan warar xan ah ee sheegaya inuu ku laabanayo kooxdiisii hore ee Barcelona.

Shabakada “Globe Sport” ayaa sheegtay in Dani Alves uu dalabyo badan ka helay dhowr kooxood ee waaweyn suuqan xagaaga waxaana ka mid ah Inter Milan uu haatan hogaamiye ka yahay Antonio Conte.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in 36-jirkan iyo wakiilkiisa ay xiriir la sameeyeen macalinka kooxda Manchester City ee Pep Guardiola, wuxuuna ku wargaliyay inuu xiiseenayo inuu markale ka hoos shaqeeyo.

Si kastaba ha ahaatee, jawaabta kaga timid Dani Alves kooxda Manchester City ayaa lagu xaqiijiyay inay raadinayaan boosas kala duwan ee dhanka kooxda ah inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga, marka laga reebo inaysan xiligan u baahneyn inay xoojiyaan booska garabka midig.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close