Arthur Melo oo farriin dadban kaga jawaab celiyay dhaleecayntii ka timid dhanka Lionel Messi

(Brazil) 27 June 2019. Ciyaaryahanka reer Brazil iyo kooxda Barcelona ee Arthur Melo ayaa si dadban uga jawaab celiyay eedeymaha dhawaanahan ka yimid dhawaantan saaxiibkiis Lionel Messi isla markaana ah kabtanka xulka qaranka Argantina, taasoo ku aadan dhinaca tartanka Copa America 2019.

Lionel Messi ayaa dhawaan sheegay sida uu u dhibsaday xumaanta cowska garoomada lagu ciyaarayo kulamada tartanka Copa America, kaddib markii uu xulka qaranka Argantina uu u soo baxay wareega xiga ee Siddeed dhamaadka, laakiin Arthur Melo ayaa si dadban jawaab kaga bixiyay hadalka Messi.

Arthur Melo oo kasoo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka Paraguay ay arroornimada bari oo jimco ah ku wada ciyaari doonaan wareega siddeed dhamaadka ee Copa America ayaa wuxuu yiri:

“Waxaan shalay ogaaday inaanan ahay kan ugu badan ee kubadda qasaariya tartankan Copa America, taasi xoogaa waa layaab”.

“Waxay ii sheegeen inay ahayd arin kaftan ah, waa tartan, waxaa jira dagaal badan oo jir ahaaneed, laakiin waxaan doonayaa inaan ilaashado qaab ciyaareedkeyga, balse hadalkan iguma noqonin midaan layaabay”.

Intaas kaddib Arthur Melo ayaa su’aal laga weydiiyay arinta ku saabsan garoomada lagu martigalinayo sanadkan Copa America 2019 ee dhaca dalka Brazil wuxuuna yiri:

“Waxba igama quseeyaan arinta ku saabsan cowska garoonka, kaliya waxaa muhiim ah inaad kubadda ciyaarto, ma jirto wax dhibaato ah markaad ciyaareyso, balse faa’iido malahan inaad ka fikirto arimaha quseeya cowska isla markaana aad iska iloowdo inaad kubadda ciyaarto, waa inaad xoogga saartaa inaad natiijo wanaagsan hesho”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close