Xulalka Uganda iyo Zimbabwe oo isku garab dhacay kulan ka tirsan Koobka Qarammada Afrika… + SAWIRRO

(Qahira) 26 Juunyo 2019. Xulalka Uganda iyo Zimbabwe ayaa barbaro ku kala tagay kulan ka tirsan koobka qarammada qaaradda Afrika 2019, kaasoo si habsami leh uga socda dalka Masar.

Kulankan oo ahaa mid adag ayaa goolal la iska dhaliyey labada dhinac qeybtii hore, waxaana goolka la horreeyey dalka aynu dariska nahay ee Uganda, waxaana u dhaliyey 12’daqiiqo Emmanuel Okwi.

Xulka Zimbabwe ayaa goolkaas iska soo guday waxaana 40’daqiiqo goolka barbaraha u dhaliyey Khama Billiat, kulanka ayaana lagu kala nastay gar isku mid ah 1-1.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay labada xul ayaa sameeyey fursado goolal loo filan karay balse ciyaarta ayaa ku soo dhammaatay ugu dambeyn barbaro 1-1.

Xulka Zimbabwe oo laga soo adkaaday kulankii midkaan ka horreeyey ayaa helay caawa dhibicdiisii ugu horreysay ee Koobka qarammada qaaradda Afrika 2019.

Uganda ayaana si ku meel gaar ah hoggaanka guruubka A kula wareegtay iyadoo leh 4-dhibcood, balse waxa ay sugi doonaan marti-geliyeyaasha tartanka sanadkan ee Masar oo leh saddex dhibcood kulankooda labaadna caawa la ciyaari doona DR Congo.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close