Terry oo sharaxaad ka bixiyay aragtidiisa kaga aaddan in Frank Lampard loo magacaabo macallinka cusub ee Chelsea

(London) 26 Juunyo 2019. John Terry ayaa shaaca ka qaaday go’aankiisa kaga aadan in saaxiibkiisii hore ee Frank Lampard loo magacaabo macalinka cusub ee kooxda Chelsea, si uu u noqdo badalka Maurizio Sarri.

60 jirka reer Talyaani ee Maurizio Sarri ayaa isaga dhaqaaqay Chelsea inkastoo uu kula guuleystay koobka UEFA Europa League, isla markaana ay kaalinta 3-aad kaga dhameysteen dhanka kala sareynta horyaalka Premier League xili ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Hadaba John Terry ayaa u arka inaysan jirin qof kaga qalanta Frank Lampard shaqada tababarka ee kooxda Chelsea, isagoo muujiyay sida weyn uu u taageerayo go’aanka maamulka Blues.

John Terry ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Daily Mail” ee dalka England wuxuu ku sheegay:

“Kaddib xili ciyaareedkii uu ku soo bandhigay kooxda Derby County, iyo in Chelsea laga mamnuucay inay sameyso wax saxiix ah, ma jirto cid kaga mudan Frank Lampard si uu ugu guuleysto shaqada tababarka ee kooxda Chelsea”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close