SAWIRRO: Inter Milan oo soo bandhigtay maaliyaddeeda martida (Away) ee ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub ee 2019/20

(Milano) 25 Juunyo 2019. Kooxda kubadda cagta Inter Milan ee ka dhisan Magaalada Milan ee Waddanka Talyaaniga ayaa soo bandhigtay maanta maaliyadeeda martida ee ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub.

Inter waxa ay shaacisay maaliyadda ay ku ciyaari doonto marka ay martida tahay oo ay ku dheeleyso meel ka baxsan garoonkeeda xilli ciyaareedka cusub ee 2019/20.

Maaliyaddan cusub oo uu midabkeedu yahay cagaar qafiif ah, waxaa farsameysay shirkadda qalabka isboortiga ee Nike, waxaana bandhigisteeda ka qeyb qaatay dhowr ciyaaryahan oo ka tirsan kooxda ku dheesha San Siro.

Waxaa maaliyaddaan cusub shafka kaga dheggan Magaca Shirkadda Pirelli oo ay xayeysiiso, astaanta kooxda iyo midda shirkadda Nike, iyadoo kuleetiga iyo afka hore ee gacmaha ay maaliyaddan ka leedahay aarad madow ah oo ay dhexda kaga taallo diilin hurdi ah.

SAWIRRO:

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close