Kooxda Arsenal oo rajaynaysa inay 23 milyan oo doolar ku hesho Tierney

(London) 25 Juunyo 2019. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo wrinayaa inay ku rajo weyn tahay inay 23 milyan oo doolar ku soo qaadan doonto ciyaaryahan Kieran Tierney.

Wargeyska The Guardian ayaa warinaya in kooxda ka dhisan magaalada London ee Arsenal ay rajaynaynayso inay difaaca kooxda Celtic ee Kieran Tierney kula wareegto adduun dhan 18 milyan oo gini oo u dhiganta 23 milyan oo doolar.

Kooxda Gunners ayaa horay looga soo diiday dalab ay ka gudbisay Kieran Tierney kaasoo ahaa 15 milyan oo gini oo u dhiganta 19 milyan oo doolar.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Celtic ayaa dalbanaysa haddii ay iska fasaxayso difaacan in miiska loo soo saaro adduun dhan 25 milyan oo gini oo u dhiganta 32 milyan oo doolar.

Laakiin kooxda Arsenal waxa ay ku rajo weyn tahay inay difaacan garabka bidix ee xulka qaranka Scotland ku heli karaan 23 milyan oo doolar sida Wargeysku sheegayo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close