Jasper Cillessen oo tijaabada caafimaadka u maray kooxda Valencia

(Spain) 25 Juunyo 2019. Goolhayaha kooxda Barcelona ee Jasper Cillessen ayaa tijaabada caafimaadka u maray Valencia kahor inta uusan u dhaqaaqin garoonka Mestalla, sida ay ku warameyso Marca.

Jasper Cillessen ayaa ku dhow inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda Valencia, iyadoo si rasmi ah loogu dhawaaqi doono saacadaha soo socda.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in goolhaayaha kooxda Valencia ee reer Brazil Neto uu dhankiisa dhameystiri doono heshiiska uu ugu biirayo Barcelona si uu u noqdo badalka Marc-André ter Stegen.

Waxaa xusid mudan in Jasper Cillessen uu isaga ka codsaday maamulka kooxda Barcelona inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga, si uu ugu biiro koox uu si joogta ah ugu ciyaari karo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close