Cameroon oo guul kaga daah-furatay Koobka qarammada qaaradda Afrika 2019, kaddib guul ay ka gaareen Guinea-Bissau.. + SAWIRRO

(Qahira) 25 Juunyo 2019. Xulka qaranka Cameroon ayaa guul uu ka gaaray dhiggooda Guinea-Bissau, waxay kaga daah furteen Koobka qarammada qaaradda Afrika 2019, kaddib matkii ay kaga adkaadeen 2-0.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay babaro 0-0 ah.
Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen ciyaar aad loo jecleystay, waxayna sameeyeen fursado halis ah.
Laakiin daqiiqadii 66-aad Yaya Banana ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa qaranka Cameroon wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0, kaddib caawin uu ka helay Karl Toko Ekambi.
Waxay ciyaarta socotayba 69 daqiiqo Stephane Bahoken ayaa hogaanka u dheereeyay xulkiisa qaranka ee Cameroon, waxayna dheesha sidaas ku noqotay 2-0.
Kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-0 ay ku adkaadeen xulka Cameroon iyadoo xulka Guinea-Bissau ay la kulmeen guuldarradii ugu horreysay ee tartankan koobka qarammada Afrika 2019.
Waxaa xusid mudan in xulka qaranka Cameroon oo ah difaacayaasha Koobka qarammada qaaradda Afrika, ayaa haatan hogaanka u qabtay Group F, kaddib markii ay 3 dhibcood ka heleen kulankoodii ugu horeeyay ee tartankan.
Gool FM.