Xulka Ivory Coast oo guul uu ka gaaray South Africa ku furtay Koobka qarammada qaaradda Afrika 2019.. + SAWIRRO

(Qahira) 24 Juunyo 2019. Xulka qaranka Ivory Coast ayaa guul uu ka gaaray dhiggiida South Africa maanta ku furtay Koobka qarammada qaaradda Afrika 2019.

Kulankan waxa uu ka tirnaa Guruubka D ee tartanka xiisaha leh oo ka soconaya dalka Masar oo marti gelinaya sanadkaan AFCON 2019, waxaana 1-0 ku adkaaday Ivory Coast.

Ciyaar weerar iyo weerar celis ah oo aad u heersarreysay kaddib labada xul ee Ivory Coast iyo South Africa ayaa kulankooda qeybta hore lagu kala nastay barbaro 0-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta xulka Les Éléphants lagu naanayso ee Ivory Coast, waxaana goolkaas u dhaliyey 64’daqiiqo u dhaliyey Jonathan Kodjia kaddib caawin uu ka helay Max-Alain Gradel.

Kulanka ayaana ku soo dhammaaday 1-0 ay ku adkaadeen xulka Cote D’Ivoire iyadoo xulka Bafana Bafana lagu naanayso ay la kulmeen guuldarradii ugu horreysay ee tartankan koobka qarammada Afrika 2019.

Taasi waxa ay ka dhigan tahay in Cote D’Ivoire ay heleen saddexdoodii dhibcood ee ugu horreysay tartankan.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close