Xavi oo ku dhawaaqay: “Waxaan doonayaa inaan tababare u noqdo Barcelona”

(Spain) 24 Juunyo 2019. Xavi Hernandez ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo tijaabinta shaqada tababarka ee kooxdiisii hore Barcelona mustaqbalka dhow.

Xavi Hernandez ayaa Barcelona kaga soo biiray kooxda da’yarta ah qarnigii tagay ee sagaashameeyadii, wuxuuna ka tagay sanadkii 2015, markii uu u dhaqaaqay naadiga Al Sadd ee dalka Qatar, kahor inta uusan ku dhawaaqin inuu ka fariistay ciyaaraha kubadda cagta isla markaana wuxuuna haatan bilaabayaa shaqada tababarka.

Hadaba halyeeyga reer Spain iyo kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa sheegay:

“Inaan ku laabto kooxda Barcelona anigoo ah macalin waa riyadeyda, taasi waa bar-tilmaameedkeyga, balse waa iyadoo aan ku jirin wax xayiraad ah”.

Yeelkadeeda Xavi ayaa mustaqbalkiisa tababarenimo ka bilaabi doona kooxda Al Sadd ee dalka Qatar xilli ciyaareedka cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close