Liiska 10-ka xiddig ugu qaalisan kubadda cagta adduunka oo la shaaciyay – kaalintee kasoo muuqdeen Ronaldo iyo Messi?

(World) 24 Juunyo 2019. Ma aysan noqonin markan kuwa ugu sareeya liiska ciyaartoyda ugu qaalisan adduunka labada xiddig ee Ronaldo iyo Messi, sidii ay ahayd dhowr sano ka hor, maadaama ay sii gaboobayaan isla markaana ay saaxada kubdda cagta ay soo fuuleen ciyaartoy cusub.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa haatan kaalinta 6-aad kaga jira liiska ciyaartoyda ugu qaalisan adduunka wuxuuna u sii socdaa dhanka hoose, halka nasiib daro Cristiano Ronaldo gabi ahaanba uusan kasoo muuqan 10-ka ugu sareysa.

Lionel Messi wuxuu xiligan kaga qiimeysan yahay suuqa kala iibsiga ee ciyartoyda aduun dhan 150 milyan euro, waana sababta uu u galay kaalinta 6-aad, halka qiimaha Cristiano Ronaldo uu gaarayo 90 milyan euro, waxaana u dhexeeya kaliya farqi ah 25 milyan euro.

Suuqii xagaaga ee 2018 Cristiano Ronaldo ayaa ugu soo wareegay kooxda Juventus qiimo gaarsiisnaa 105 milyan oo euros, kaddib markii uu kaga soo dhaqaaqay Real Madrid, waxaana haatan ka sareeysa xiddigo badan taasoo xaqiiqdii ah layaab weyn, iyadoo xiddigaha dhanka suuqa kaga horeeysa CR7 ay ka mid yihiin Leroy Sané, N’Golo Kanté iyo Bernardo Silva.

Hadaba Liiska 10-ka xiddig ee adduunka ugu qaalisan sida laga soo xigtay shabakada caanka ah ee “Transfermarkt” ayaa kala ah.

1- Kylian Mbappé (Paris St Germain) 200 milyan oo Euro.

2- Neymar Jr (Paris St Germain) 180 milyan oo euros.

3- Harry Kane (Tottenham Hotspur) 150 milyan oo euros.

4- Maxamed Saalax (Liverpool) 150 milyan oo euros.

5- Eden Hazard (Real Madrid) 150 milyan oo euros.

6- Lionel Messi (Barcelona) waa 150 milyan oo euros.

7- Raheem Sterling (Manchester City) 140 milyan oo Euro.

8- Kevin De Bruyne (Manchester City) 130 milyan oo euros.

9- Antoine Griezmann (oo ku dhawaaqay inuu ka tagayo Atletico Madrid) 130 milyan euro.

10- Sadio Mané (Liverpool) 120 milyan oo euros.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close