Gabdhaha USA oo garaacay dhiggooda Spain, una gudbay siddeed dhammaadka Koobka Adduunka ee Dumarka … + SAWIRRO

(Paris) 24 Juunyo 2019. Xulka Gabdhaha USA ayaa guul muhiim ah kaga gaaray dhiggooda Spain 2-1, waxaana ay u gudbeen wareegga siddeed dhammaadka Koobka Adduunka ee Dumarka 2019.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

Daqiiqadii 7-aad ee bilawga ciyaarta xulka qaranka Gabdhaha ee USA ayaa helay rigoore waxaana gool u badashay Megan Rapinoe, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-0.

Balse xulka qaranka Gabdhaha Spain ayaan waxba ku qaadanin inay helaan goolka barbaraha waxaana daqiiqadii 9-aad ee ciyaarta 1-1 ka dhigtay Jennifer Hermoso.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinacba waxay soo bandhigeen ciyaar fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah.

76 daqiiqo Gabdhaha Mareykanka ayaa waxay markale heleen rigoore waxaana markale u dhalisay Megan Rapinoe oo ciyaarta ka dhigtay 2-1.

Ugu dambeyntii xulka Gabdhaha ee USA ayaa ku adkaaday 2-1, waxaana ay u soo gudbeen wareegga siddeed dhammaadka Koobka Adduunka Haweenka ee 2019, halka Spain ay tartanka isaga hareen.

Xulka Gabdhaha ee USA ayaana wareegga siddeed dhammaadka waxay kula ciyari doonaan Jimcaha soo socda xulka qaranka Gabdhaha France oo xalay kasoo gudbay Brazil.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close