Gabdhaha Sweden oo gaaray siddeed dhammaadka Koobka Adduunka Dumarka 2019 kaddib markii ay garaaceen Canada.. + SAWIRRO

(Paris) 24 Juunyo 2019. Xulka gabdhaha Sweden ayaa iska xaadiriyey Siddeed dhammaadka Koobka Adduunka haweenka 2019, kaddib markii ay garaaceen dhiggooda Canada.

Xulka Sweden ayaa 1-0 kaga adkaaday Canada, iyadoo ay xusid mudan tahay in goolka ay ku adkaadeen gabadhaha Sweden uu yimid qeybtii labaad ee ciyaarta.

Kulankan oo ahaa mid aad u adag ayaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta xulka gabdhaha Sweden ayaa la yimid goolka qura oo ay guusha ku qaateen kulankan waxaana u dhalisay 55’daqiiqo Stina Blackstenius kaddib caawin ka timid Kosovare Asllani, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 1-0 ay ku adkaadeen Sweden.

Gabadha Sweden ayaa iska xaadiriyey wareegga siddeed dhammaadka Koobka Adduunka Dumarka 2019, halka kuwa Canada ay tartanka isaga hareen.

Xulka Sweden waxa ay siddeed dhammaadka koobka adduunka haweenka la ciyaari doonaan dhiggooda Germany.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close