Xulka Senegal oo guul ka gaaray Tanzania Koobka qarammada qaaradda Afrika 2019…+ SAWIRRO

(Qahira) 23 Juunyo 2019. Xulka qaranka Senegal ayaa hoggaanka u qabtay Guruubka C ee Koobka qarammada qaaradda Afrika 2019, kaddib markii ay guul ka gaareen dhiggooda Tanzania.

Senegal ayaa Koobka qarammada qaaradda Afrika sanadkan guul ku daah rogtay, kaddib markii ay 2-0 ku garaaceen Tanzania.

Goolka koowaad ee ciyaarta waxaa xulka Senegal u daah furay 28’daqiiqo Keita Balde, kaddib caawin uu ka halay Idrissa Gana Gueye, kulanka ayaana lagu kala nastay 1-0 looga gacan sarreeyey Tanzania.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Wiilasha Senegal ayaa la yimid goolka labaad ee ciyaarta waxaana u saxiixay 65’daqiiqo Krepin Diatta, kaddib kubbad miisaan leh oo uu soo tuuray taasoo inta badan ciyaartoydu ay ka gambadeen, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-0 ay ku adkaadeen xulka Senegal.

Xulka Senegal ayaa haatan hoggaanka si ku meel gaar ah ugu qabtay Guruubka C ee koobka qarammada Afrika, kaddib markii ay saddexdii dhibic ee ugu horreysay guruubkaan gacanta ku dhigeen.

SAWIRRO:

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close