Xulka Morocco oo guul ku furtay Koobka Qarammada Qaaradda Afrika 2019… + SAWIRRO

(Qahira) 23 Juunyo 2019. Xulka Morocco ayaa guul uu ka gaartay Namibia ku furtay Koobka qarammada qaaradda Afrika 2019.

Morocco ayaa ku adkaaday 1-0 waxaana guushaas ay ku bilowdeen koobka qarammada Afrika ay kaga dhigan tahay inay leeyihiin saddex dhibcood, iyadoo kulankan uu qeyb ka ahaa Guruubka D

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0 ah, iyadoo kulanku uu ahaa weerar iyo weerar celis.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad xulka Morocco ayaa qaaday weeraro halis geliyey dhiggooda Namibia, iyagoo dhammaadkii ciyaarta ka helay goolka ay guusha ku qaateen.

Goolka qura oo ay ku adkaadeen Morocco waxaa 89’daqiiqo iska dhaliyey Itamunua Keimuine oo ka tirsan Namibia, kaddib markii uu kubbad si aan ula kac ahayn ugu leexiyey shabaqa dalkiisa, sidaas ayeyna Morocco ku adkaadeen 1-0.

Xulka Morocco oo illaa iyo hadda Guruubkan D ka helay saddexdii dhibcood ee ugu horreysay ayaa haatan si ku meel gaar ah u hoggaaminaya.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close