Gabdhaha England oo xaaqay dhiggooda Cameroon, iskana xaadiriyey siddeed dhammaadka Koobka Adduunka ee Dumarka … + SAWIRRO

(Paris) 23 Juunyo 2019. Xulka Gabdhaha England ayaa guul weyn ka gaaray dhiggooda Cameroon, waxaana ay u gudbeen wareegga siddeed dhammaadka Koobka Adduunka ee Dumarka 2019.

Gooldhaqsiyo badnaa waxaa xulka gabadhaha England u dhalisay 14’daqiiqo Steph Houghton, kaasoo ay hoggaanka ciyaarta kula wareegeen.

Dhammaadkii qeybtii hore ee ciyaartana xulka gabadha saddexda Libaax ayaa la yimid goolkooda labaad ee kulankan waxaana u dhalisay Ellen White, sidaas ayaana lagu kala nastay 2-0 lagu hoggaaminayay gabadha ka socda qaaradda Afrika ee Cameroon.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay markale xulka England ayaa shabaqa gaaray waxaana goolka saddexaad 58’daqiiqo u dhalisay Alex Greenwood, kaddib caawin ay ka heshay Toni Duggan, kulanka ayaana sidaas ku noqday 3-0 ay ku gacan sarreeyeen gabdhaha Ingiriiska.

Xulka Gabdhaha England ayaana ku adkaaday 3-0, waxaana ay u soo gudbeen wareegga siddeed dhammaadka Koobka Adduunka Haweenka ee 2019, halka Cameroon ay tartanka isaga hareen, taasoo ka dhigan in dhammaan xulalkii ka socday qaaradda Afrika ee ka qeyb galayey koobka Adduunka dumarka ay soo wada hareen.

Xulka England ayaana wajihi doona wareegga siddeed dhammaadka dhiggooda Norway kulan ka dhici doona Le Havre Jimcaha.

SAWIRRO:

 

Samuel Eto’o oo daawanaya kulankan dhexmaray gabadha dalkiisa Cameroon iyo xulka England.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close