Xulka Nigeria oo guul dirqi ah oo uu ka gaaray Burundi ku furtay Koobka Qarammada Afrika.. + SAWIRRO

(Qahira) 22 Juunyo 2019. Xulka qaranka Nigeria ayaa guul dirqi ah oo uu ka gaaray Burundi ku daah furtay Koobka Qarammada Afrika 2019.

Guruubka B ee tartanka Qarammada Afrika 2019 ayay daah fureen labadaan xul ee Nigeria iyo Burundi, waxaana caawa 1-0 ku adkaaday xulka Nigeria.

Kulankan ayaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0, inkastoo ay fursado goolal loo filan karay labada dhinac sameeyeen.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybta labaad xulka Nigeria ayaa helay goolka qura oo ay kulankaan ku adkaadeen waxaana u dhaliyey 77’daqiiqo Odion Ighalo oo bedel ku soo galay kaddib caawin cajiib ahayd oo uu ka helay Ola Aina.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday 1-0 looga adkaaday Burundi, guushaan ayaana uga dhigan Nigeria inay kaalinta koowaad ee Guruubka B ku qabteen saddex dhibcood.

Koobka qarammada Afrika 2019 ayaa ka bilawday dhowaan dalka Masar, waxaana uu si xiiso leh uga soconayaa Magaalada Qaahira ee dalkaasi.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close