RASMI: Kooxda Manchester City oo shaacisay ciyaaryahanka lambarka 9-aad u xiran doona xilli ciyaareedka cusub

(Manchester) 22 Juunyo 2019. Kooxda kubadda Manchester City ayaa xaqiijisay in ciyaaryahankeeda Gabriel Jesus uu u xiran doono lambarka 9-aad ee Naadiga laga bilaabo xilli ciyaareedka 2019-20.

Xiddigan reer Brazil ayaa horay ugu xiran jiray lambarka 33-aad kooxda xafidanaysa Horyaalka Premier League, laakiin haatan waxaa loo gacan geliyey lambarka sagaalaad.

Waxaa lambarkaan 9-aad kooxda Citizens horay ugu soo xirtay xiddigaha kala ah Nolito, Alvaro Negredo, Emmanuel Adebayor, Valeri Bojinov iyo Emile Mpenza.

Yeelkeede, Jesus ayaa horay kooxda Manchester City ugu dhaliyey 45 gool 100 kulan oo uu ka hoos ciyaaray Macallin Pep Guardiola, waxaana uu kula guuleystay labo horyaalka Premier League, FA Cup, EFL Cup iyo FA Community Shield.

Isagoo warbaahinta la hadlayey Weeraryahankan Jesus ayaa sheegay inay sharaf u tahay inuu kooxda Man City u xirto lambarkaan uu caanka ku yahay.

“Waxay ii noqon doontaa sharaf inaan xirto lambarka sagaalaad ee Man City, runtiina wax weyn ayey iiga dhigan tahay.” ayuu yiri Jesus.

“Waxaan rajaynayaa inaan goolal badan ku dhalin doono maaliyaddaan cusub, isla markaana aan City ka caawin doonto inay koobab badan ku guuleysato xilli ciyaareedyada soo aaddan.”

“Waa lambarka aan had iyo jeer u xirto xulkeyga Brazil, waxaan wax weliba ku siin doonaa City marka aan xirto lambarkaan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close