“Qofna ma badali karto booska Eden Hazard ee kooxda Chelsea” – Didier Drogba

(London) 22 June 2019. Weeraryahankii hore Chelsea ee reer Ivory Coast Didier Drogba ayaa sheegay in Eden Hazard uu yahay halyeey kooxda Blues ah, isla markaana aan la hili karin badalkiisa.

Eden Hazard ayaa ugu dhaqaaqay kooxda Real Madrid suuqa haatan socda ee xagaaga aduun lacageed dhan 150 milyan oo ginni, kaddib waayo qurux badan uu ku soo qaatay garoonka Stamford Bridge.

Kooxda ka dhisan Galbeedka magaalada London ayaa lagu qasbay inay iibiso laacibka reer Belgian, maadaama heshiiskiisa garoonka Stamford Bridge uu ka harsanaa hal sano oo kaliya.

Hadaba weeraryahankii hore kooxda Chelsea ee reer Ivory Coast Didier Drogba ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa rasmiga ah ee Instagram-ka wuxuu ku sheegay:

“Qofna ma badali karto booska Eden Hazard, waa ciyaaryahan weyn”.

“Laakiin ciyaaryahan kale ayaa imaan doona isla markaana qaadan doono booskiisa, Hazard waa halyeey kooxda Chelsea ah, tani waa nolosha, tani waa kubadda cagta”.

Waxaa xusid in xiddigii Lambarka 10-aad ee Chelsea Eden Hazard uu u dhaliyay kooxdiisa Blues 21 gool xili ciyaareedkii lasoo dhaafay ee 2018/2019 dhamaan tartamada kala duwan, isagoo door weyn ka ciyaaray in kooxda reer London ay ku guuleysato koobka UEFA Europa League.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close