Goolhaye David Ospina oo sabab la sharraxay kaga baxay xerada tababarka xulka Colombia – Miyuu soo laaban doonaa?

(Brazil) 22 June 2019. Goolhayaha xulka Colombia David Ospina ayaa isaga baxay xerada tababarka xulkiisa xilli uu bartamaha marayo koobka qaramada qaaradda Koonfurta America, waxaana la xaqiijiyay inuu arrimo qoyskiisa la xiriira u baxay.

Xiddigaan ayaa seegay kulamadii ugu dambeeyay kooxdiisa horyaalka talyaaniga fasalkii lasoo dhaafay, dib ayuu ugu soo laabtay xilligaas gurigiisa balse wax hormar ah kama sameynin arrintii uu usoo baxay oo aheyd arrimo aan aad loo buun-buunin oo qoyskiisa la xirirta.

Xiriirka kubadda cagta Colombia ayaa bayaan ku xaqiijiyay in David Ospina uu si kumeel gaar ah xerada qaranka uga baxay iyadoo sababtu tahay arrimo qoys.

Sidoo kale xiriirka waxey kalsooni ku qabaan inuu soo laaban doono isla markaana uu goolka gali doono kulamada kaga haray Copa America.

Xulka Colombia goor hore ayey xaqiijiyeen iney usoo baxeen wareega 16-ka Copa America, waxeyna ka mid yahiin wadamada loo saadaalinayo iney martigaliyayaasha ku ciriiriyaan hanashada tartanka.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close