“Waxaan rajeynayaa inaan la ciyaaro xulalka Masar iyo Senegal” – Naby Keïta oo fariin u diray saaxiibadiis Saalax iyo Mané

(Cairo) 21 Juunyo 2019. Xiddiga kooxda Liverpool ee reer Guinea ee Naby Keïta ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay awooda xulkiisa qaranka iyo inay layaab weyn ka sameyn karaan Koobka Qaramada Afrika 2019.

Xulka qaranka Guinea ayaa qeyb ka ah Goup-ka B ee Koobka Qaramada Afrika 2019 oo marti galinaya Masar, iyadoo Group-kan ay ku wada jiraan xulalka Nigeria, Burundi iyo Madagascar.

Naby Keïta ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu sheegay:

“Waxaan rajeynayaa inaan la ciyaarno xulalka Masar iyo Senegal kulamada bug baxda, isla markaana aan la kulmo saaxiibadeey kooxda Liverpool ee Maxamed Saalax iyo Sadio Mané”.

Intaas kaddib Naby Keïta ayaa la weydiiyay su’aal ah suurtogalnimada uu xulka qaranka Masar ugu guuleysan karo Koobka Qaramada Afrika 2019, maadaama ay sanadkan iyaga martigalinayaan wuxuuna yiri:

“Oo maxaad u dhihi weysay Guinea waa xulka ku guuleysan kara koobkan? Kama awod yarin sida xul kasta ee kale”.

“Xulka ugu fiican, iskuna dheelitiran waa kan ku guuleysan doono Koobka Qaramada Afrika 2019, waxaan guul u rajeenayaa xulkeyga iyo dhamaan xulalka kale”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close