RASMI: Kubadda cusub ee lagu ciyaari doono wareegga 16-ka Koobka Adduunka ee Dumarka 2019 oo la shaaciyey.. + SAWIRRO

(Paris) 21 Juunyo 2019. Waxaa la shaaciyey kubadda cusub ee lagu ciyaari doono wareegga bug-baxa ee 16-ka Koobka Adduunka ee Dumar 2019 kaasoo ka soconaya Magaalada Paris ee Caasimadda Waddanka Faransiiska.

Heerka Guruubyada ee Koobka Adduunka haweenka 2019 ayaa xalay si rasmi ah loo soo gabagabeeyey, waxaana isku soo baxay kaliya 16 xul kuwaasoo isku aadkooda goor hore oo maanta ah la shaaciyey.

Haddaba kubaddaan cusub ee lagu ciyaarayo wareegga 16-ka Koobka Adduunka haweenka 2019 ayaa waxaa farsameysay Shirkadda Adidas.

Kulanka ugu horreeya waxaa kubaddaan cusub lagu ciyaari doonaa berrito oo ay taariikhdu tahay 22 bishaan June, waxaana ku dheeli doona gabadhaha Germany iyo Nigeria, halka kulanka xiga isla habeen dambe ay ku ciyaari doonaan xulalka Norway iyo Australia.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close