RASMI: Isku aadka wareega 16-ka Koobka adduunka Dumarka 2019 oo lasameeyay

(Paris) 21 Juunyo 2019. Waxaa la shaaciyay sida ay isugu aadeen 16-ka xul ee isugu soo haray wareega bug baxa koo Koobka adduunka Dumarka 2019.

Waa markii ugu horeysay oo laba xul ee ka socda qaarada Africa ee kasoo baxaan heerka Group-yada koobka adduunka ee haweynka, waana Nigeria iyo Cameroon.

Xulka martigalinaya Koobka adduunka Dumarka ee France sanadkan 2019 ayaa lagu beegay Gabdhaha Brazil, xulkii adkaada ayaana u gudbi doona wareega siddeed dhamaadka, iyadoo kulankan la ciyaari doono 23-ka bishan ee ku beegan Axada soo socota.

Kulanka kale ee indhaha lagu heyn doono waa midka dhex mari doona isniinta soo socota ee 24-ka bisha, Gabdhaha USA iyo Spain, Mareykanka waxay kaalinta koowaad kaga soo baxeen 9 dhibcoon Group-ka F, halka Gabdhaha Isbaanishka ay kaalinta 2-aad kaga dhameysteen Group-ka B.

Gabdhaha Cameroon oo iyagana matalaya qaarada Africa ayaa madaxa loo galiyay Gabdhaha aan waxba laga qaban karin ee England iyadoo la xasuusta in xulka saddexda Libaax ay wada adkaadeen 3-da kulan 9 dhibcoodna kaga soo baxeey  Group-ka D.

Sidoo kale Gabdhaha kale ee ka socda qaarada Africa ee Nigeria ayaa iyagana lagu beegay xulka Gabdhaha Germany oo 9 dhibcood kaga soo baxay Group-ka B.

Dhinaca kale kulnka Finalka ee  Koobka adduunka Dumarka 2019 ayaa la ciyaari doonaa 7-da bisha Julaay ee soo aadan, halka xulalka kulanka kaalinta 3-aad ay dheeli doonaan 6-da isla bishaas Julaay.

Haddaba halka hoose kaga boggo isku aadka wareega 16-ka Koobka adduunka Dumarka 2019:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close