Manchester City oo heshiis afka ah la gaartay daafaca reer Portugal ee João Cancelo

(England) 21 Juunyo 2019. Wargeyska “La Gazzetta dello Sport” ayaa sheegay in Manchester City ay heshiis la gaartay daafaca reer Portugal iyo kooxda Juventus ee João Cancelo.

Labada dhinac ayaa isku raacay heshiis 5 sano ah, kaasoo sanadkii uu laacibka reer Portugal ku heli doono mushaar gaarsiisan 5 milyan euro.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in wadahadalada u dhexeeya kooxaha Juventus iyo Manchester City ay wali socdaan, iyadoo dalabka ka yimid naadiga reer England uu gaarayo 50 milyan oo euros, halka Juventus ay codsatay 60 milyan oo euros.

Dhinaca kale sida laga soo xigtay ilo kale Fabio Paratici, oo ah agaasimaha isboortiga ee kooxda Juventus ayaa ku sugan England isagoo doonaya inuu soo gabagabeeyo wadahadalada.

João Cancelo ayaa Juventus kaga soo biiray kooxda Valencia xagaagii hore aduun dhan 40 milyan euro, wuxuuna u ciyaaray  34 kulan ee ah dhamaan tartamada kala duwan, isagoo dhaliyay 1 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay 8 gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close