Juventus oo shaacisay Lambarka maaliyaddeed uu u xiran doono Aaron Ramsey ciyaareedka cusub

(Italy) 21 Juunyo 2019. Juventus ayaa waxay shaaca ka qaaday Lambarka maaliyadeed uu u xiran doono xiddiga reer Weles Aaron Ramsey oo dhawaan yimid kooxda reer Talyaani.

Juventus ayaa ku dhawaaqday dhowr bilood kahor inay la saxiixatay Aaron Ramsey, wuxuuna kaga soo dhaqaaqay kooxda Arsenal beeca xorta ah, kaddib marka uu soo idlaaday qandaraaskiisa.

Kooxda reer Talyaani ayaa xaqiijisay in Aaron Ramsey uu xiran doono maaliyada Lambarka 8-aad xili ciyaareedka cusub ee 2019-2020.

Aaron Ramsey ayaa qaadan doono maaliyada lamabrka 8-aad, kaasoo uu kooxda Juventus u xirnaa Claudio Marchisio, kahor inta uusan u dhaqaaqin FC Zenit Saint Petersburg sanadkii 2018, mana jirin ciyaaryahan xirtay xili ciyaareedkii dhawaan soo idlaaday.

Waxaa horey Lambarkan u soo xirtay taariikhda halyeeyo badan ee kooxda Juventus ah sida Antonio Conte iyo Marco Tardelli.

Aaron Ramsey ayaa sidoo kale u xirnaa kooxda Arsenal isla lambarka 8-aad mudada saddexda xili ciyaareed ee lasoo dhaafay, kaddib markii uu soo xirtay Lambarka maaliyadeed ee 16-ka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close