Xulka qaranka Argentina oo barbaro la dhaafi waayay Paraguay kulan ka tirsanaa tartanka Copa America 2019…. SAWIRRO

(Brazil) 20 Juunyo 2019. Xulka qaranka Argentina ayaa barbaro 1-1 ah la galay dhigooda Paraguay, kulankooda 2-aad Group B ee tartanka Copa America.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaaminayeen wiilasha Paraguay.

Daqiiqadii 37-aad ciyaaryahanka Richard Sanchez ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa qaranka Paraguay, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Miguel Almiron, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 1-0.

Qeybta dambe ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay xulka qaranka Argantina ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed fiican, iyagoo sameeyeen fursado dhowr ah.

Daqiiqadii 57-aad xulka Argantina ayuu garsooraha ciyaarta ku abaal mariyay rigoore waxaana gool u badalay kabtankooda Lionel Messi, dheesha ayaana sidaas ku noqotay barbaro 1-1.

Balse nasiib daro xulka Paraguay oo markooda helay rigoore daqiiqadii 62-aad waxaa ka qasaariyay xiddigooda Derlis Gonzalez.

Ugu dambeyn kulanka u dhexeeyay xulalka Argantina iyo Paraguay ayaa ku soo idlaaday barbaro 1-1 ah iyadoo xulka Tango uu hogaaminayo Lionel Messi ay awoodi waayeen inay jawaab cad ka bixiyaan guuldaradii kasoo kulankoodii koowaad ee tartankan.

Dhinaca kale waxaa la ciyaaray isla kulan kale ee ka tirsan Group B, waxaana is qabtay xulalka Colombia iyo Qatar, waxaana 1-0 guul ku gaaray James Rodríguez iyo saaxiibadiis.

Goolka kaliya ee kulankan ka dhashay waxaa dhaliyay daqiiqadii 87-aad ciyaaryahanka lagu magacaabo Duvan Zapata.

Xulka Colombia ayaa labadii kulan uu ka soo ciyaaray Group B wuxuu ka helay 6 dhibcood, wuxuuna xaqiijiyay inuu u gudbay wareega xiga ee siddeed dhamaadka tartanka Copa America.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close