Xiddigo isku koox ahaan jiray oo galabta isaga hor imaanaya garoonka Banaadir

(Muqdisho) 20 Juunyo 2019. Kulanka xiisaha badan ee dhaxmari doona kooxaha Dekedda fc iyo Horseed marka laga soo tago waxaa jiro sheekoyin badan oo kulankaas ku dhex duugan oo ay ka mid tahay in galabta cooska ay ku coltami doonan saaxiibo hore oo hal kooxod ka xamaalan jiray waana kooxda Jeenyo.

Shan Ciyaartooy oo qeyb ka ahaa safka kooxda kubadda cagta Jeenyo 2-sano ka hor ayaa galabta mar kale waxey isku arki doonan cagaarka ku  fidsan ee Banadir Stadium iyagoo kala jiheysan.

Xiddigaha kala ah Xasan Cabdinuur Geesey (Xasaasi), Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman), Cabdicasiis Maxamed Catoosh, Daa’uud Cabdulaahi Tubaal iyo Feysal Xasan Xaashi waxay labo xilli ciyaareed ka hor xirnaayeen maaliyadda Jeenyo.

Shantan xidigan ayaa galabta u kala safan doona kooxaha Horseed iyo Dekedda, Cabdicasiis Catoosh, Daa’uud Tubaal iyo Feysa Xasan Xaashi waxay qeyb ka yihiin safka kooxda Dekedda iyagoo laf dhabar u ah kooxda labadii sano ee la soo dhaafay ku guuleysatay horyaalka.

Sidoo kale Xasan Cabdinuur Geesey (Xasaasi) iyo Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman) ayaa waxay ka tirsan yihiin kooxda cawo iyo maalin ee Horseed, waxeyna qeyb ka yihiin xiddigaha ugu muuqa sarreeya kooxdan.

Si kastaba ha ahaatee jamaahiir badan oo xiddigahan taageeri jiray waagii ay joogeen kooxda Jeenyo ayaa galabta garoonka  u tagi doona si ay  u daawadaan xiddigahoodii hore ee is wajahaya.

W/D: C/fitaax Nani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close