WARBIXIN: Juventus oo heshiis la gaartay Adrien Rabiot & Mushaarka uu qaadan doono.

(Turin) 20 June 2019. Kooxda Juventus ayaa lagu soo warramayaa iney heshiis la gaartay xiddiga dhawaan xorta noqon doona ee Adrien Rabiot.

Xiddigaan heerka caalami ayaa saxiixay heshiis shan sano ah, sidoo kalana qaadan doono lacag dhan 7 Malyan oo Yuuro sanadkii oo ay dheer tahay gunno aan la shaacin balse ku xiran sida uu kooxda uga soo muuqdo.

Adrien Rabiot ayaa xor noqon doona 30 June, wakiilkiisa ayaana lagula heshiiyay iney helaan lacag dhan 10 Malyan oo Yuuro oo lagu siin doono doorashada kooxda.

Khabiirka dhanka suuqa ee Sportsitalia (Alfredo Pedullà) ayaa ka dhawaajiyay in xiddigaan uu ku sugnaan doono Turin ilaa 2024.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close