“Neymar wuxuu Barcelona ku hogaamin karaa ku guuleysiga saddexley kale ee cusub” – Rivaldo

(Spain) 20 Juunyo 2019. Halyeeyga reer Brazil iyo kooxda Barcelona ee Rivaldo ayaa codsaday in Neymar Jr uu ku soo laabto garoonka Cump Nou.

Rivaldo ayaa dhinaca kale sheegay in imaatinka Neymar Jr ee Barcelona ay noqon doonto tallaabo aad muhiim ugu ah ciyaaryahanka iyo kooxda reer Catalonia.

Neymar ayaa lala xiriirinayaa inuu markale dib ugu laabanayo kooxda Barcelona kaddib labo xili ciyaareed kaliya uu ku qaatay Paris Saint-Germain oo kula wareegtay qiimo dhan 222 milyan euro.

Wargeyska “AS” ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Rivaldo wuxuuna yiri:

“Soo laabashada Neymar waxa ay u fiicnaan laheyd Barcelona iyo ciyaaryahanka, inkastoo haatan la shaki galinayo”.

“Laakiin waxaan qabaa inuu diirada saarayo kubadda cagta kaddib soo laabashadiisa sababtoo ah waa ciyaaryahan fiican, waxaana loo ogolaan doonaa inuu noqdo xiddiga ugu fiican adduunka”.

“Waxaan qabaa in 70% aysan dooneynin inuu ku laabto kooxda, balse jamaahiirta wey iloobayaan wax walba marka ay kubada soo galaan isla markaana ay guuleystaan, hadii aad garaacdo Madrid oo aad ku guuleysato Champions League, waad hilmaami doontaa wax walba”.

“Wuu ogyahay in dadka ay ka careysan yihiin, lakiin Neymar wuxuu leeyahay shakhsiyad xoogan si uu u galo dagaalkan, wuxuu ku jiraa da’ada ugu fiican uu dib ugu laaban karo Barcelona”.

“Waxaan qabaa in kooxda Barcelona uu ku hogaamin karo saddexley kale ee cusub, waxaa wanaagsan inuu aado Barcelona ee ma ahan Real Madrid”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close