Kooxda Real Madrid oo go’aamisay xilliga ay la soo saxiixanayso Kylian Mbappe

(Paris) 20 Juunyo 2019. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la soo warinayaa inay go’aamisay xilliga ay la soo saxiixanayso Weeraryahanka PSG ee Mbappe waxaana ay rajaynaysaa inay la soo wareegto sanadka 2020.

Jariiradda AS ee ka soo baxda dalka Spain ayaa warinaysa in Real Madrid ay rajaynayo inay soo qaadato sanadka 2020 ciyaaryahanka reer France ee Kylian Mbappe.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez uu qorsheynayo inuu dib ugu soo laabto saxiixa Kylian Mbappe xagaaga 2020.

Kooxda ka dhisan horyaalka La Ligaha Spain ayaa rajaynaysa in Mbappe uusan heshiiskiisa cusboonaysiin doonin, kaasoo heshiiskiisa kooxda Paris Saint-Germain ku eg yahay sanadka 2023-ka, kaddibna ay Los Blancos codsigeeda ay ku doonayso laacibkan gacanta ka gelin doonto naadiga reer France.

Madrid waxay dareemeysaa kalsooni ku aaddan inay u ballan qaadi doonaan mushaar gaaraya 15 milyan oo Euro oo u dhiganta 17 milyan oo dollar, taasoo ka sarreysa 12 milyan ee uu haatan sameeyo ama qaato, wuuna sameyn doonaa arrintaasi, isagoo og in Mbappe sanadihiisii ugu fiicnaa in ay weli u harsan yihiin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close