Kooxda Arsenal oo xiddig muhiim ah ka doonaysa Real Madrid

(London) 20 Juunyo 2019. Kooxda kubadda cagta Arsenal ee ka dhisan dalka Ingiriiska ayaa la soo warinayaa inay naadiga Real Madrid ee dalka Spain ka doonayso Vazquez.

Warsidaha Don Balon ayaa warinaya in Tababaraha Arsenal ee Unai Emery uu qorsheynayo inuu kooxda Real Madrid ka soo qaato ciyaaryahan Lucas Vazquez oo uu keeno garoonka Emirates.

Xiddiga kooxda Los Blancos ayaa la filayaa inuu hoos uga dhaco doorashada koowaad kaddib markii uu yimid Eden Hazard, waxaana laga yaabaa inuu isku dayo inuu meel kale ku tijaabiyo nasiibkiisa.

Gunners kooxda lagu naanayso ee reer London ayaa la fahamsan yahay inay doonayso inay dalab aan qiimihiisa la shaacin hordhigo Lucas Vazquez si ay ugu soo dhaqaajiso horyaalka Premier League.

Kooxda reer Talyaani ee AS Roma iyo Inter Milan ayaa sidoo kale xiiseynaya xiddigan xulka qaranka Spain ee Lucas Vazquez.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close