Dekedda Fc Vs Horseed- Cabdi Joon Vs Yu Cali- Wax Waliba Aad Ugu Baahan Tahay Kulanka Dagaalka Hogaanka Horyaalka.

(Soomaaliya) 20 Juunyo 2019. Kulanka  kaliya ee go’aaminaya kooxda calanka u sidi doonta hogaanka  horyaalka Somali Premier League ayaa galabta ka dhici doona garoonka Banadir Stadium, kaa oo dhaxmari doona kooxaha Horseed fc iyo Dekedda Fc.

Ciyaartan ayaa ah mid aad u xiiso badan kooxda Dekedda oo rabta sanadkan iney ku guuleysato markii 3-aad oo xiriir ah waxey u baahan tahay in kulankan ay guul gaarto si ay kali ugu noqoto hogaanka horyaalka,halka kooxda Horseed ay  ku taameyso in mudo kadib ku guuleysato koobkan dhaxdana ay ka jarto musalsalka hanashada horyaalka Somali Premier League ee Kooxda Dekedda fc .

XAQIIQOOYINKA KULAN CIYAAREEDKAN:

Kulankii ugu dambeyay ay labadan kooxod Dekedda fc iyo Horseed fc isku arkan wajiga hore ee horyaalka Somali Premier League waxaa 1-0 ku soo adkaatay naadiga Horseed waxaana goolka u dhaliyay ciyaaryahan Cadnaan Nani goolkaas oo ahaa mid laadka xorta ah ama(Free kick), ciyaartas oo dhacday 14-03-19.

Labadan kooxod fasal ciyaareedkan waxey la kulmeyn min 2-guuldaro ah, Dekedda waxey qasaaro kala soo kulantay kooxaha Horseed iyo Elman halka Horseed ay waji gabax ka soo qaadatay naadiyaasha kala ah Heegan iyo Elman, taas oo ka dhigan in kooxda Elman soo wada dishay labadan kooxod.

Kooxda  kubadda cagta Horseed kulan ciyaareedkan waxaa ka maqnaanaya ciyaaryahanka lagu magacaabo Farxaan Duqow kaaso xogo hoos oo an ka helnay koxdiisa ay sheegayan in kulanka kaga maqnaanayo sabab la xiriirta nasiino caafimaad.

Taa badalkeeda  kooxda caawo iyo maalin ee Horseed waxa ay safkooda ku soo dhaweyn doonan xidigaha kala ah Xasan Cabdi Nuur Geesey(Xasaasi) kaas oo kulamo dhoor ah tarbuunka saarna iyo Cadnaan Nani oo isagana kulankan qeyb ka ah.

Naadiga Horseed kulankii ugu dambeyay waxey 3-0 ugu soo adkaatay kooxda Midnimo Football Club.

Xidiga halista badan ee kooxda horsed  Cadnaani Nani waa xidiga soo kala diray wiilasha Dekedda kulankii hore ay is arkeyn labadan kooxod sido kale wuxuu kooxda Dekedda howiyay guuldaradii ugu horeysay horyaalka.

Kooxda kubadda cagta Dekedda kulan ciyaareedkii ugu dambeyay waxey guuldaro qaraar badan kala soo kulantay naadiga Jaalayasha ee Elman kadib markii loogu soo adkaaday 2-0.

Naadiga Dekedda oo wali maskaxdiida ka dhaxguuxeysa guuldaradii ka soo gaartay wajigii hore kooxda Horseed  ayaa galabta rabta iney iska dhaqdo guuldaradaas.

Saddexdii kulan ee ugu dambeyay ay labadan kooxod isku arkan horyaalka waxaa mid kamid ah badisay naadiga Horseed halka labada kulan ee kale ay ku kala baxeyn bar baro.

WAJIYADA GALABTA ISKA HOR IMAAN DOONA:

Xidigaha kala ah Xasan Afgooye, Cabdulaahi Cali Bile iyo hogaamiye Cabdi Joon ayaa galabta ka hor imaan doonan kooxdoodii hore ee Dekedda iyago iminka difaacaya maaliyada Horseed.

Dhanka Horseed waxaa galabta ka soo hor jeesan doonan xidigaheedii hore sida Cabdicasiis Catoosh, Cabaas Aamiin Maxamed , kuwaan waxey u soo ciyaareyn kooxda Horseed.

Ogeysiis Ciyaarta:

Tartanka: Horyaalka Somali Premier League

Kooxaha: Dekedda Fc VS Horseed fc

Garoonka: Banadir Stadium

Saacada: 3:45

Qiimaha kulanka: Lacag La’aan

Jawiga Garoonka: 29° /25°C.

Sidoo kale galabta garoonka jaamacadaha waxaa ka dhici doona kulan kale oo xiiso badan kaas oo dhaxmari doona kooxaha Elman iyo Jazeera Sports Club.

W.D Cabdifitaax Nani.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close