RASMI: Xulka qaranka Spain oo loo magacaabay macalin cusub, kaddib markii uu ka tagay Luis Enrique

(Spain) 19 Juunyo 2019. Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta ee dalka Spain ee Luis Rubiales aya ku dhawaaqay in Luis Enrique uusan ahayn wixii xiligan ka dambeeya macalinka xulka La Roja.

Luis Rubiales ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday wuxuu ku shegay:

Image result for Robert Moreno

“Waxaan go’aansanay in Robert Moreno uu noqdo badalka Luis Enrique ee xulka qaranka Spain”.

“Luis Enrique wuxuu go’aansaday inuu ka tago shaqada tababarka ee xulka qaranka Spain, waxaana sii wadi doonaa inaan ku qadarino shaqada uu ka qabtay La Roja”.

Xiriirka kubada cagta ee dalka Spain ayaa ku dhawaaqay bartamaha bishii lasoo dhaafay in Enrique uusan hogaamin doonin xulka kulamada Faroe Islands iyo Sweden sababa la xiriira dhibaato culus ee dhanka qoyskiisa ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close