RASMI: Juan Mata oo heshiiska u kordhiyey kooxdiisa Manchester United… (Imise sano ayuu saxiixay?)

(Manchester) 19 Juunyo 2019. Laacibka khadka dhexe ee Juan Mata ayaa heshiis cusub oo labo sanadood ah qalinka ugu duugay kooxdiisa Manchester United.

Heshiiska uu Mata kula jiray Man United ayaa ku ekaa 30 bisha June, laakiin waxa uu ogolaaday inuu la sii joogo naadiga illaa sanadka 2021-ka, waxaana heshiiskiisa ka mid ah inuu dookh u haysto in sanad kale lagu kordhin karo qandaraaskiisa haddii loo baahdo.

Xiddiga xulka qaranka Spain ayaa Manchester United kaga soo biiray Chelsea lacag rikoor ah oo dhan 37.1 milyan oo gini bishii Janaayo ee sanadkii 2014-kii, waxaana uu u dhaliyey 45 gool 218 kulan oo uu u ciyaaray.

“Waxaan joogay Manchester United muddo shan sano ah, waxaan ku faanayaa inaan ku magacaabo Old Trafford Gurigeyga.” ayuu yiri Mata.

Intii lagu guda jiray wakhtigiisa kooxda Manchester United, Mata waxa uu ku guuleystay Emirates FA Cup, League Cup, UEFA Europa League iyo FA Community Shield.

Juan Mata ayaa dhaliyey lix gool 32 kulan oo uu kooxda Manchester United u saftay tartammada oo dhan xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close