Kooxda Arsenal oo doonaysa inay 11 milyan oo dollar ku soo qaadato da’yar diiradda u saaran Dortmund iyo Juventus

(London) 19 Juunyo 2019. Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa doonaysa inay 9 milyan oo gini kula soo wareegto da’yarka Hungary ee Dominik Szoboszlai.

Shabakadda Football Insider ayaa warinaysa in kooxda kubadda cagta Arsenal ay isku diyaarinayso inay dalab ka gudbiso laacibka khadka dhexe ee naadiga RB Salzburg ee Dominik Szoboszlai.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Gunners ay doonayso inay xiddigan xulka qaranka Hungary kula soo wareegto adduun dhan 9 milyan oo gini oo u dhiganta 11 milyan oo dollar.

Arsenal ayaa qorsheynaysa inay 18-sano jirkaan Szoboszlai keento garoonka Emirates, kaasoo sidoo kale ay diiradda ku hayaan kooxaha Juventus iyo Borussia Dortmund ee ka kala dhisan dalalka Talyaaniga iyo Jarmalka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close