Jose Mourinho oo si cad u qeexay mustaqbalkiisa

(Yurub) 19 Juunyo 2019. Macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa wuxuu si cad ah kaga hadlay mustaqbalkiisa.

56 jirkaan ayaa ka fogaaday shaqada tababarka in mudo ah, tan iyo markii laga ceyriyay kooxda Manchester United bishii December 2018.

Tababarihii hore ee kooxo waaweyn ee qaarada Yurub, sida Real Madrid, Chelsea, Manchester United iyo Inter Milan ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Waxaan doonayaa loolanka tartan cusub, waxaan ku fekerayaa Koobka Adduunka iyo tartamada Yurub”.

“Muddo dheer waxaan lahaa rabitaan ah inaan la kulmo arintan. hada waxaan u arkaa nafteyda inay ku haboon tahay leylinta xulkeyga qaranka in kabadan koox kale ee cusub”.

“Inaan ku guuleysto koobkeygii shanaad ee wadan kale, kaddib markii aan ku soo guuleystay 4 horyaal ee dalal kala duwan ah, ama inaan kula guuleysto Champions League koox kale ee saddexaad, waa waxyaabaha aan jeclahay inaan sameeyo, waxaan aadi doonaa meesha uu mashruuceeda i qanciyo”.

Waxaa xusid mudan in Macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho uu koobab badan kula soo guuleystay dhamaan kooxihii uu soo tababaray.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close