Hordhac: Argentina vs Paraguay – La Albiceleste oo u baahan guul si ay rajo fiican uga yeeshaan iney kasoo baxaan group-ka.

(Brazil) 19 June 2019.  Xulka Argentina ayaa caawa ciyaari doona kulankii labaad ee Copa America, waxeyna u baahan yahiin guul si ay rajadooda usoo bixitaanka wareega xiga u qurxiyaan, Lionel Messi iyo saaxiibadiisa waxaa saaran cadaadis aan caadi aheyn kulanka caawa saqda dhexe.

La Albiceleste waxey ku bilowdeen guuldaro tartanka Copa America 2019, waxaana 2-0 ku dilay Colombia oo ka mid ah wadamada looga cabsida qabo tartanka maadaama ay awood u bilowdeen.

Lionel Messi wuxuu caawa u baahan yahay inuu lugtiisa guul ku gaarsiiyo qarankiisa ama uu aqbalo mar kale wax walba oo kaga yimaada taageerayaasha iyo saxaafadda kubadda cagta kuwaas oo dhibaato walba oo qaranka ku dhacda ku eedeeya xiddigaan.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Argentina vs Paraugay

Tartanka: Copa America 2019

Garoona: Estadio Mineirao

Saacadda: 3:30 Saqda dhexe (XGA)

Garsoore: Wilton Sampaio (Brazil)

MAXAA KA CUSUB LABADA XUL?

Scaloni ayaa la hubaa inuu isbadal ku sameyn doono kooxdii uu ku wajahay Colombia, waxaana suuragal ah iney fursado helaan ciyaartoy kursiga keydka kusoo bilowday kulankii hore.

Roberto Pereyra iyo De Paul ayaa rajeynaya iney caawa kusoo bilowdaan kulankaan, sidoo kalana Di Maria ayaa filanaya inuu kursiga keydka kasoo muuqdo.

Lama oga hadii Aguero lagu soo bilaabi doono, balse isaga ayaa ugu cad-cad halka ay joogaan weeraryahano buuxin kara booskiisa.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Argentina:

Armani; Casco, Pezzella, Otamendi, Tagliafico; Pereyra, Paredes, Lo Celso, De Paul; Messi, Aguero

Paraguay:

Fernandez; Valdez, Balbuena, Alonso, Arzamendia; Ortiz, Rojas; Gonzalez, Almiron, Dominguez; Cardozo

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Argentina ayaa guuldaro kala kulantay Paraguay hal jeer oo qura, todobadii ciyaarood oo ay dhamaan tartamada dhan wada ciyaareen, guuldaradaasna waxey timid mar ay ciyaarayeen isreeb-reebka koobkii Adduunka 2018.

La Albiceleste waligood guuldaro kalama kulmin Paraguay iyagoo ciyaaraya Copa America, si kastaba waxey ka dhigan tahay ineysan 25 kulan oo ay tartankaas isku arkeen wax guuldaro ah ka helin.

Wadanka koowaad oo ay kulamada ugu badan wajaheen Argentina isla markaana aysan wax guuldaro ah kala kulmin waa Chile oo ay 27 ciyaarood is arkeen. (Marka laga reebo rigoorooyinka) kulamada lagu kala adkaaday.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close