Group-ka D ee Koobka Adduunka Dumarka 2019 oo la soo gaba-gabeeyay… + SAWIRRO

(Paris) 19 Juunyo 2019. Waxaa goordhow la soo gabagabeeyey Group-ka D ee Koobka Adduunka Dumar 2019, iyadoo la xaqiijiyey kooxaha ee ka soo baxay Guruubkan.

Haddii aynu ku horreyno kulankii dhexmaray xulalka Japan iyo England waxaa 2-0 ku adkaaday xulka gabdhaha saddexda libaax oo guruubkan kaga soo baxay kaalinta koowaad.

Kulankan waxaa gabdhaha England labada gool u kala dhalisay labadii qeybood ee ciyaarta Ellen White 14’daqiiqo iyo 84’daqiiqo, sidaas ayaana looga adkaaday Japan 2-0.

Xulka England oo wada adkaaday saddexdii kulan ee uu ciyaaray guruubkan ayaa kaalinta koowaad 9-dhibcood kaga soo baxay Guruubkan D, halka Japan uu ku soo baxay kaalinta labaad isagoo leh 4-dhibcood.

Dhinaca kale waxaa ciyaar aad u xiiso badan dhexmartay gabdhaha Scotland iyo kuwa Argentina, waxaana kulankan uu ku dhammaaday gar isku mid ah 3-3.

Waxaa xusid mudan in kulankan ay saddex gool la hormareen gabdhaha Scotland, waxaana saddexda gool u kala dhaliyey 19’daqiiqo Kim Little, 49’daqiiqo Jenny Beattie iyo 69’daqiiqo Erin Cuthbert.

Yeelkeede gabdhaha Argentina ayaa saddexdaas gool iska soo guday qeybtii dambe ee ciyaarta waxaana xulka Argentina saddexda gool ka kala helay 74’daqiiqo Milagros Menendez, goolka labaadna waxaa iska dhalisay gabdha Scotland ka tirsan ee Lee Alexander 79’daqiiqo, halka goolka kale oo rigoore ahaa ay dhalisay dhammaadkii dheesha Florencia Bonsegundo, kulanka ayaana ku soo dhammaaday barbaro 3-3.

Argentina ayaa kaalinta saddexaad kaga dhammaystiran guruubka D iyagoo leh 2-dhibcood, halka Scotland ay ku dhammaysteen halka ugu hooseysa guruubka iyadoo haysta 1-dhibic oo qura.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close