RASMI: Real Madrid oo warbaahinta u soo bandhigtay xiddigeeda cusub ee Rodrygo Goes… + SAWIRRO

(Madrid) 18 Juunyo 2019. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee ka dhisan dalka Spain ayaa maanta oo Talaado ah si rasmi ah ugu soo bandhigtay saxaafada xiddigeeda Rodrygo Goes, kaddib markii uu si guul ah kaga gudbay tijaabada caafimaadka.

Sida laga soo xigtay shabakada rasmiga ah ee kooxda Real Madrid iyo sidoo kale boggeeda baraha bulshada ee Twitter-ka, Rodrygo Goes ayaa maray baaritaanada caafimaad wuxuuna kaga gudbay si guul ah, kahor inta aan la soo bandhigin maanta warbaahinta iyo jamaahiirta garoonka Santiago Bernabéu.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa kusoo galay gudaha Bernabéu maaliyada cadaanka ah ee kooxda Real Madrid, wuxuuna dhoola tus ku hor sameeyay jamaahiirta iyo warbaahinta ku sugneyd gudaha garoonka, kahor inta uusan u dhaqaaqin hoolka shirarka si uu u hadlo warbaahinta.

Hadaba saxiixa cusub ee kooxda Real Madrid ee Rodrygo Goes ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa:

“Tani waxay ii tahay riyo aniga ahaan, Waa maalintii iigu farxada badneyd nolosheyda”.

“Wali lama hadlin Zinedine Zidane, laakiin waa tababare aad u fiican, waxaana rajeynayaa inaan tababarka ka hoos meeyo hoggaankiisa”.

GettyImages-1150472758 (1)

GettyImages-1150472676 (1)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close