Muxuu ahaa sawirkii uu Paul Pogba soo dhigay Instagram-ka ee ka careysiiyay Jamaahiirta Man United? Miyuu isku dhiibay koox kale?

(Yurub) 18 June 2019. Kubad sameeyaha Man United Paul Pogba ayaa jawi aan fiicneyn ku abuuray kooxdiisa kadib markii uu saxaafadda la wadaagay in la joogo waqtigii uu isbadal cusub ku sameyn lahaa meel cusub, taasoo ka dhigan inuu doonayo ka tagitaanka garoonka Old Trafford.

Maamulka kooxdiisa ayaa ka carooday kuwaas oo ku adkeysanaya hadda iney sii heystaan, balse jamaahiirta kooxda ayaan marnaba ku qancin hab dhaqanka xiddigaan uu hoos ugu dhigay kooxdii uu yaraantiisii usoo ciyaaray kuna soo laabtay isagoo xiddig sare ah 2016.

Paul waxaa si weyn loola xiriirinayaa kooxaha Real Madrid iyo Juventus, balse sawir uu soo dhigay Instagram-ka qeybta sawirada goos-gooska ah lasoo dhigo (Story) ayaa keenay hadal heyn badan iyo in loo garto halka uu ku wajahan yahay xagaagan.

Jamaahiirta reer Japan ayaa xiddigaan heerka caalami sida sawirka sare ka muuqata kusoo bandhigay goob uu xiddiga joogay, waxeyna ka turjumayaan sawiradaan labadii lambar uu u xirtay koxda marwada duqda ah waqtigiisii magaalada Turin.

Inuu waqtigaan soo dhigo sawirkaan waxey sii abuurtay xaalad kale, jamaahiirta kooxda ayaana jecleysan waxa uu wiilkaan ka sameynayo baraha bulshada, waxeyna badankood u arkaan inuu kooxdiisa hadda si aan wanaagsaneyn ula dhaqmaayo.

Sidoo kale Maurizio Sarri ayaa ka dhawaajiyay inuusan ku dhibtoon doonin maamulidda Paul Pogba maadaama uu soo maamulay Eden Hazard.

Si kastaba mustaqbalka Paul ayaan wali dhinac loo dhigin, wuxuuna doonayaa sida muuqata inuu kooxda isaga guuro, walow maamulka Red Devils ay isku dayi doonaan iney celiyaan.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close